Kumanaan ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Maanta dhigay Dibadbax ay ku taageerayaan Magacaabista R/wasaare Xasan Cali Khayre.

Dad weynaha Muqdisho ayaa iskugu soo baxay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho,Waxayna si diiran usoo dhaweeyeen Xasan Cali Khayre oo loo Magacaabay R/wasaaraha dalka Soomaaliya.

Shacabka Bannaanbaxa sameeyey ayaa ku qaylinayey erayo ay ku taageersan yihiin tallaabada Madaxweyne Maxamed c/llaahi Farmaajo uu Xasan Cali Khayre ugu Magacaabay xilka R/wasaaraha dalka Soomaaliya.