Magaalada Bosaaso ee Xarunta G/Bari Goor dhawayd oo galabta ah abaaro 5:30 Daqiiqo ah waxaa ka dhacay Labo Qarax oo banbaano oo ahaa nooca Gacanta laga tuuro.

Qaraxyadan Banbaano ayaa Waxa ay ka dhaceen inta udhaxaysa dhabarka danb ee Bangiga dhaxe ee Magaalada Bosaaso iyo Jaamacada PDM.

kooxdii Falkan fulisay ayaa ilaa iyo hadan gacanta lagu haynin oo durbadiiba goobta kabaxsaday.

inta lahubo halqof ayaa Qaraxan ku uu dhaawac fududka ka soogaaray .

Ciidamada Boolika G/Bari ayaa goobta soogaaray waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan dadkii kadanbeeyay Qaraxyadan.

Amaanka Magaalada Bosaasom ayaa Wanaagsanaa Maalmihii lasoo dhaafay kadib markii ay kadhaceen Dilal Qorshaysan .

Dhanka kale xalay Magaalada Bosaaso waxaa lagu tooreeyay gabar Da,yar oo lagu magacaabo Sahro Axmed .

Gabadhan ayaa Xiligii ladilay Waxa ay kasoobaxday Mid kamid ah Guri ay daganyihiin eheladeeda .

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa Xabsiga Dhiga shaqsi kamid ah Qoyska ay Gabadhani ay ka soo jeedo oo lagu tuhmay in falkan ay ku lugleeyihiin .

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays dhado oo aan Wax kawaydiinay Arintan ayaa Radio syl.com usheegay in ay gacanta kuhayaan kiiskan iyo cidii kulug lahayd Baaritaankana uu socdo.

Dilkan iyo Weerarkanba ayaa Waxa uu kusoo beegmayaa Xili Maanta Magaalada Bosaaso uu kasoo dagay Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas oo kumaqnaa Caleemasaarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.