Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Puntland (Faarax Cali Shire Afbalaar) oo Manta Shirjaraaid ku Qabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Markii ugu horaysay tan iyo markii xilka laga qaaday Xaalada Siyaasadeed ee ka jirta Puntland haday ahaan lahayd mid Dhaqaale iyo mid Amniba .

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in meesha ay kabaxday Midnimadii umada reer Puntland Gaar ahaan kaalintii dhaqanka iyo hab qaybsigii siyaasadeed ee beelaha kala duwan ee ku nool Puntland isagoona intaasi kudaray hadalkiisa in ay meesha kabaxday kalsoonidii shacabka Puntland ay kuqabeen Maamulka uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas.

Wasiirka ayaa Waxa uu sheegay in hogaanka taladahay uu ku fashilmay howlihii ay umada reer Puntland ay u igmadeen.

Shirkan jaraaid ee Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire Afbalaar uu maanta kuqabtay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili shalay magaalada Bosaaso uu soogaaray Madaxweynaha Puntland C/wali Cali gaas.

Xasan Heykal PuntlandNews24.com