Maxkamada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland (ICJ) ayaa mar kale go’aan kasoo saartay dacwadda badda SOomaaliya iyo Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya oo ku muransasnaa badda ay leedahay Soomaaliya ayey maxkamadda dhawan sheegtay inay qaadi doonto dacwadaas kadib markii ay Soomaaliya u gudbisay.

Kenya oo ka caga jiideysay inay ICJ qaado dacwadaan ayey naxdin ku noqotay go’aankii kasoo baxday Maxkamadda.

Haddaba maxkamadda ayaa hadda Kenya ka dalbaday inay kaga soo jawaabto dacwadda ay Soomaaliya kasoo gudbisay ilaa Bisha December ee sanadkaan.

Lama qiyaasi karo jawabta ay Kenya ka bixin doonto dalabka maxkamadda iyadoo dad falanqeeyo siyaasadda ayaa sheegayaan in laga yaabo inay Kenya ka biyo diido inay ICJ qaado dacwadda Badda Soomaaliya.

Puntland-News24.