Ra’isulwasaaraha oo loo magacaabay Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay ololo uu ku doonayo inuu ku helo kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida sharciga ah marka uu Madaxweynaha soo jeediyo cidda uu u gartay inuu noqdo Ra’isulwasaaraha cusub waxaa la horgeeyaa Baarlamaanka cusub markaas ayuuna noqon doonaa Ra’isulwasaare haddii uu heli codkooda haddii kalana madaxweynaha ayaa laga sugayaa inuu shaqsi kale soo magacaabo.

Haddaba dhibaatada ugu weyn ee hadda hortaalo Ra’isulwasaaraha waa sidii uu codkaas u heli lahaa wuxuuna maanta bilaabayaa inuu kulamo xasaasi ah la qaato gudodomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Ujeedka kulankaan ayaa ah sidii uu Ra’isulwasaaraha u heli lahaa codka baarlamaanka wuxuuna Jawaari ka codsan doonaa inuu arrintaan ku caawiyo.

Kulankaan ayaa la filayaa inuu qabsoomo saacadaha soo socdo waxaana guddoomiyaha baarlamaanka ku wehli doono kulankaan guddoomiyaha aqalka sare Cabdi xaashi Cabdullaahi.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa kuu sheegayo inuu Xasan Cali Kheyre heli doono kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya maadaama madaxweyne Farmaajo uu taageero fiican ku leeyahay.

Puntland-News24.