Ciidamo katirsan daraawiishta Puntland ayaa ku gadooday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland , iyagoona xiray hoolka baarlamaanka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya ciidamadan inay wehliyeen kuwa kale oo qaarkood ilaalo u ah madaxwaynihihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole iminkana ah xubin katirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamada gadooday ayaa ka mudaaharaadayay mushaar la’ aan iyo xuquuq la’ aan balse waxaa markii dambe la hadlay oo xaliyay Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin horay oo Puntland katirsan kuwaasi oo qaarkood eedaymo usoo jeediyay xukuumadda madaxwayne Gaas oo ah inay waxba ka qaban arimaha Puntland.

Madaxwayne Cabdiwali Gaas aya ku mashquulsan isbadal uu ku sameeyo golihiisa xukuumadda isagoona shirar arimahaasi ku’ aadan u jooga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Masuuuliyiinta la hadal hayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda , wasiir kuxigeenkiisa iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland kuwaasi oo la hadal hayo inay ka mid yihiin xubnaha madaxwaynaha isku shaandhayntiisa ay saamaynayso.

Puntland-News24.