Laba askari oo uu kujiro sarkaal ciidamada katirsan ayaa ku dhaawacmay qarax bam gacmeed ah oo xalay lagu tuuray goob ciidan oo kutaala magaalada Bosaaso gaar ahaan suuqa caanaha ee Bosaaso.

Sarkaalka ku dhawaacmay ayaa ahaa taliye kuxigeenka birmadka.

Ciidaamada ammaanka ayaa dhowr jiho rasaas u riday mana jirto khasaare kadhashay, waxaana sidoo kale dhacay mudahaaraad kooban oo ay dhigayeen shacab ka caraysan dad lagu xirxiray magaalada Bosaaso oo ay maxkamad kuriday xukun dil ah kadib markii laasheegay inay dad dileen.

Amaanka ayaa iminka mid caadi ah.

Puntland-News24.