Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta xariga ka jaray haamaha shidaalka ee garoonka caalamiga ee Bosaaso ayaa sheegay inay jiraan dad doonaya dano shaqsiyadeed inay u burburiyaan Puntland.

Waxaa uu xusay in la iska daayo buunbuuninta warar aan jirin oo dadka lagu kicinayo.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inuu usheegayo dadkaasi inay iska sugaan waqtigooda oo ay isa soo sharaxaan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa ku kutilmaamay xukuumaddiisa tii ugu dulqaadka badnayd ee Puntland soo marta.

Hoos kadhagayso

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale sheegay dhowaan in xariga laga jari doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe oo dhismihiisa maraya heerkii ugu dambeeyey.
Puntland-News24.