Ciidamo kale duwan oo isugu jira nabad sugidda iyo booliska ayaa la geeyey suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu wayn ee Soomaaliya , kadib markii uu gubtay suuqa.

Dab ka kacay habeenimadii Axadda Suuqa Bakaaraha ayaa gubay hanti lagu qiyaasay afar milyan oo doolar , waxaana gubtay qaybaha kala ah Malabka , digaaga , Khaliifa iyo dukaamo ubadan bagaash oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Dabka ayaa habeen hore mar kale soo laabtay , iyadoona ay soo baxayaan tuhuno laga qabo inay siyaasad ka dambayso dabka suuqa kusoo noqnoqday.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu amray ciidamada nabad sugidda iyo booliska inay saldhigyo ka samaystaan suuqa Bakaaraha, waxaana loo baajiyay sababo aan la sheegin booqasho lagu waday madaxwaynaha inuu ku gaaro suuqa Bakaaraha.

Puntland-News24.