Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta sirasmi ah u furaya kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ku cad Dastuurka dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa daah furaya Kala fadhiyada Golaha Shacabka,Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bisha March ayuu Xarunta Golaha Shacabka ka furayaa Madaxweyne Farmaajo kala fadhiga Koowaad ee Golaha Shacabka.

Waxaana lagu wadaa inuu xildhibaanada hor geeyo R/wasaaraha uu Magacaabay Xasan Cali Khayre,Madaxweynaha ayaa weydiisan doona Xildhibaanada Baarlamaanka iney codka Kalsoonida siiyaan R/wasaare Khayre.

Puntland-News24.