Dowladda Australia ayaa shaacisay lacag dhan $20 Milyan oo Dollar in ay ugu deeqday Abaaraha ka jira Soomaaliya, maadaama dad iyo duunyo badan oo ku nool Soomaaliya ay halis ugu jiraan xaalad dhimasho ah hadii aan wax laga qaban.

Sidoo kale Australia ayaa waxa ay sheegtay lacagtan qeyb ka mid ah in ay siin doonto Koofurta Suudaan, oo dad badan halkaasi ay ku wajahayaan xaalad nafaqo daro ah oo aad u daran.

Waxa ay sheegtay sidoo kale Dowladda Australia in ay sii wadi doonto taakuleynta iyo Taageerada wadamada Afrika ee la dagaalamaya Abaaraha, loona baahan yahay xilligan oo kale in la is garab istaago.

Mas’uul u hadlay Dowladda Australia ayaa sheegay bixinta lacagtan ee loogu gar gaarayo dadka ay Abaaraha saameeyeen in ay la kaashan doonaan Hay’ada Qaramada Midoobey oo si dhow ula socota Abaaraha iyo halka ay xaalada mareyso.

Dowladda Australia ayaa waxa ay ka mid tahay Dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, waxaana dhow jeer oo hore ugu yaboohday Deeqo kala duwan.

Puntland-News24.