Degmada Iskushuban ee gobolka Bari iyo deegaano hoos yimaada oo ay usoo naq raaceen kumanaan qoys oo kasoo hayaamay abaaraha ka jira gobolada Somaliland, Puntland , Galmudug iyo Kililka Shanaad ayaa waxaa lasoo sheegayaa in raashiinkii iyo biyaha roobabkii horay halkaasi uga degay oo loo soo naq raacay inay dhamaadeen.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Iskushuban Axmed Jaamac Aadan ayaa sheegay xaaladda iminka inay tahay mid khatar badan , iyadoo biyo looga dhaamiyay meelo aad uga durugsan goobaha dadka ay usoo hayaameen/

Guddoomiyaha ayaa sheegaya biyaha loo dhaamiyay inay noqdeen kuwa aan baahida taagan dabooli karin , iyadoo mar kale xoolaha ay la liitaan abaarta.

Dhanka kale guddiga gurmadka abaaraha ee culimaa’udiinka hogaamiyaan ayaa maanta shir jara’id oo ay ku qabteen magaalada Garoowe waxaa ay sheegeen in xaaladda iminka marayso meel khatar ah , guddiga ayaa dhanka kale sheegay inay soo gaarin lacag boqol iyo konton kun oo doolar oo dowladda dhexe ku wareejisay dowladda Puntland si abaarta wax looga qabto.

Puntland-News24.