Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo dhoweeyey ansixinta raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Madaxwaynaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay inuu ka codsanayo dowladda cusub inay badasho dowladdii hore oo uu sheegay inay kala qaybin ku haysay bulshada gobolada dhexe.

Shaakir ayaa sheegay maamulkooda inuu dagaal la gelayo ururka Al-shabaab oo ku sugan deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud.

Puntland-News24.