Waxaan soo marnay annaga oo u kuurgalayna dadka iyo duunyada abaartu halakaysay xaaladdooda una qaybinayna biyo dhammaan gobolka Mudug Ciid iyo Cadduunba, waxaan marnay dhulka u dhexeeya Gaalkacyo, Bayra, Bursaalax, Galdogob, Axmedkhayr, Foodyacadde, Daarusalaam, Xarfo, Labaalayaal, Isgoys, Beerdhagaxtuur, Tuulo xabiibo, Roox intaasi waa ciidka, xagga Caddunka Gaalkacyo, Jeexdin, Duddun, Ceelbardaale, Guuca, Buubi, Ballibusle, Seemade, Jirriiban, Towfiiq, Dhinawda, Garacad, Ceelmareer, intaasina waa Cadduun iyo xeeb, xagga kale Sallax, Qalaanqal, Balambal iyo Malaasle intaasina waa Sanaag iyo Daalandoolle, Xagga kale Dhoobocantuug, Labilammaane, Khuurile, Mayle, Shakaal, Shillabxaraaere, Berricad, intaasina waa hawd.

Waxaan soo aragnay dad xoolihii ka dhammaadeen oo dibadyaal ah, hooyooyin iyo carruur isku caddiban, dad xoolo yar la jihajihaynaya, Bakhtiga xoolaha oo tan dhaaf ah, harraad iyo gaajo, baad iyo biyo la’aan, xanuun iyo jilicsanaan.

Waxaan dhulkaas maraynay 8 maalmood iyo habaynadood, haddii roobku sii raago waxaa soo socota masiibo qaran Alloow hannoo qaddarin, Raxmad waasica oo degdeg ah oo aan aafo wadan ayaan Raxmaanka waydiisanaynnaa.

Wixii dhiig lahoow kaca, idiinma habboona raaxo, quraac, qado iyo casho toonna.

Sheekh Fu aad