Madaxwaynihii hore dowladda faderaalka Xasan Sheekh ayaa maanta loo dhaariyay inuu noqdo xubin katirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka ayaa lagu dhaariyay Xasan Sheekh, iyadoo Xildhibaanada ay u sacbiyeen markii loo dhaariyay.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa noqonay Xildhibaan illaa inta uu nool yahay, waxaa uu noqonayaa Xildhibaanka 276aad.

Sida ku cad dastuurka qodobkiisa 64aad farqadiisa 4aad (page 19) oo ogolaanaya in “qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil-ka- qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan.

Waxaa uu dheeraad ku yahay tirada Xildhibaanada golaha shacabka, maadaama uu yahay Madaxweyne lagu soo doortay Dastuur KMG ah, isla markaana soo hoggaamiyay dowlad rasmi ah.

Puntland-New24.