Guddiga gurmadka abaaraha ee dowladda Puntland ayaa sheegay inay soo gaarin lacag dhan 150, kun oo Doolar oo dowladda faderaalka ay ku wareejisay Puntland si abaaraha wax loogu qabto.

Qaar ka mid ah culimaa’udiinka guddiga ayaa shir jara’id oo ay ku qabteen magaalada Garoowe waxaa ay ku sheegeen dhaqaalahan inuu soo gaarin guddugooda.

Puntlnad ayaa waxaa kajirta abaar aad u daran , taasi oo galaafatay nolosha xoolo dhaqatada , waxaana sidoo kale halis loogu jiraa xoolaha inta hartay iyo dadkuba inay haraad ugu geeriyoodaan deegaanada abaartu kajirto.

Puntland-News24.