Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa u yeertay danjiraheedii Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, kaasi oo ka howlgalyay magaalada Muqdisho.

Illo ku dhow wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegysa safiirka in dacwad ay ka gudbisay dowladda dhexe , taasi oo la xiriirta inuu faragalin kusameeyey arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa door wayn ka ciyaaraysa siyaasadda Soomaaliya , iyadoona heshiis kula gashay Somaliland inay saldhig militari ku yeelato magaalada Berbera , inkastoo dowladda faderaalka ay arintaasi kasoo horjeestay ayna waddo dadaal lagu joojinayo.

Puntland-News24.