Ammaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa Saaka aad loo adkeeyay Waxaana wadooyinka Magaalada lagu arkaayay Ciidamo faraban oo Amniga xaqiijinaya.

Shala ayay ahayd markii weerar banbano lagu qaaday Maxkamada Madaniga ah ee Magaalada Bosaaso taas oo ay kudhaawacmeen shan Qof oo Rayid ah.

Xalay ilaa iyo shalay Xaafadaha Magaalada Bosaaso waxaa ka socday Howlgalo guri guri ah oo ay ciidamadu ay ka sameeyeen 16 xaafadood ee ay Magaalada Bosaaso ka kooban tahay.

Magaalada Bosaaso ayaa Maalmihii udanbeeyay Waxaa kadhacay Falal lidi ku ah Amniga kuwaas oo isugu jiray Qaraxyo Banbaano iyo weerar lagu qaaday Mid kamid ah Hoteelada Magaalada Bosaaso.

Majirto ilaa iyo hada cid ay laamaha Amniga usooqabteen Falalkii udanbeeyay ee kadhacay Magaalada .

Kooxaha Weerarada noocan oo kle gaysta ayaa intabadan kabaxsada goobta Markii ay gaystaan faldanbiyeedka .

Shacabka ayaa kadaalay Baaritaanada iyo Howlgalada ay sameeyaan Ciidamada Amniga oo aan lahayn Wax natiijo ah.

Al-shaab ayaa Sheegatay Mas,uuliyada Weerarkii Banbaano ee shalay lagu Qaaday Maxkamada Madaniga ah ee Magaalada Bosaaso.

Puntland News24.com Bosaaso.