Ururka Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in uu Ansixiyo sharci cusub oo kasoo dhigaya in xarumo waa weyn oo lagu tababaro ciidamo Millatari ah in laga hirgaliyo dalalka Soomaaliya ,Mali iyo sidoo kale Central African Republic.

Ujeedka Arintaasi laga leeyahay ayaa lagu sheegay in ay tahay in la helo ciidan Awood leh ,islamarkaana wax badan ka qaban doona xaaladda Ammaan ee dalalka Qaarada Afrika.

Madax Siyaasiyada arimaha dibada Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in Wasiirada arimaha dibada iyo sidoo kale kuwa difaaca Midowga Yurub laga doonaayo ay si deg deg ah ay u keenaan Siyaasada qeexaysa Qaabkii loo mari lahaa dhismaha Xarumahaasi lagu tababaraayo ciidamada.

“Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta Arimaha dibada iyo sidoo kale Difaaca waa in ay la yimadaan go’aan degdeg ah oo ku saabsan samaynta qorshaha lagu dhisaayo Saldhigaasi” ayay tiri Federica Mogherini.

Waxaa ay sidoo kale tilmaamtay in ay ka heli doonaan dalalka Africa Faa’idooyin aad u badan ,islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii loo soo saari lahaa Ciidan Xoogan oo Anshax leh.

Dalalka Midowga Yurub ayaa doonaya in ay si weyn isku fidiyaan gobolka Geeska Afrika.