Shil Gaari oo sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac leh ayaa saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shilka ayaa ka dhacay Wadada 21ka October ee Magaalada Muqdisho,Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen Gaari Xamuul ah iyo Gaari kale oo NOHA ah,2 ruux ayaa shilkaasi ku geeriyootay waxaana ku dhwacmay hal qof.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya,Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa la socday Gaariga NOHA-da ah.