Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka Warbixiyey Kulan uu la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada  Midoobay iyo Wafdi uu hogaaminayey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kulankooda ay uga wada hadleen xaalada Abaaraha ee ka jira Dalka Soomaaliya isaga oo xusay in ay xaalada Abaaraha siinayaan ahmiyada koowaad si loo badbaadiyo dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Waxa uu xusay Madaxweynaha in ay Dowladiisa Muhiimada gaar ah siineyso caawinaad dadka ay abaaraha saameeyeen wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobayna ay ku gacan siineyso taakuleynta Dadka ay Abaaraha Saameeyeen.

Dhanka kale Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa u gudbay Magaalada Baydhabo, isagoo halkaasi kula kulmi doona Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kalena booqan doona xeryaha ay ku jiraan dadka ay Abaaraha saameeyeen.