Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antnio Guterres, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ,isaga oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimaha Abaaraha ee halakeeyay qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Amniga Garoonka ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana xoghayaha uu booqan doonaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Puntland-News24.