Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya inuu xanibanyahay gaadiidkii isaga kala gudbi jiray gobolada Soomaaliya iyo magaalada Garoowe , kadib markii ay ciidamo gadoodsan xanibeen gaadiidkii kasoo geli jiray dhanka magaalada Gaalkacyo.

 

Ilaa boqolaal gaari oo kuwa ganacsiga qaarkoodna ay ku raranyihiin khudaarta noocyadeeda kale duwan ayaa ku xaniban maanta kantoroolka Garoowe kuwaasi oo qaarkood usoo gudbyay magaalada Bosaso.

Ciidamada ayaa ka cabanaya mushaaraad ay ku leeyihiin dowladda Puntland oo ay helin, wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa dhowaan warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay jirin xaquuq ka maqan ciidamada Puntland.

 

Puntland-News24.