Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay xaalada caafimaad ee Xildhibaan Bootaan oo shalay gelinkii dambe Gaari uu watay Qarax loogu xiray, islamarkaana uu ka soo gaaray dhaawac aad u xoogan.

Xasan Maxamed Khaliif Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay xaalada Xildhibaanka in ay wanaagsan tahay, inkastoo dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxii xildhibaanka Gaariga loogu xiray.

Dhanka kale Guddoomiyaha waxa uu sheegay in aysan jirin cid kale oo ay waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxaasi, wuxuuna sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.