Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilalka habeenadii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka ay walaac ka qabaan dilalka sii kordhaya ee kooxaha hubeysan ka geysanayaan Xaafadaha

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwii ugu yaraa ee soo mara, marka loo eego dilalkii hore.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa ku andacooday in kuwa dilalka geysanaya ay kaga gol leeyihiin inay muujiyaan inay joogaan, waxaana uu xusay in maamulka Gobolka Banaadir uu tallaabo ka qaadayo.

Ma jirto illaa iyo hada cid loo soo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, waxaa ugu dambeeyay habeenkii xalay ahaa oo Guddoomiye laameed lagu dilay degmada Yaaqshiid