Golaha 83 ayaa loo bixiyay magaca 77- kadib codsi bulshada uga yimid , waxaana golahan oo ay siwayn ugu xiranyihiin jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya , Galmudug , Hir Shabelle , Jubland , Puntland iyo Somaliland lagu qaadaa dhigaa arimaha dalka kajira, waxaana ka reeban qabyaaladda iwm.

Kaqaybgalayaasha golaha ayaa isku waydaarsada aragtiyadooda kusaabsan dhismaha wadanka Soomaaliya iyo sidii marxaladda uu kusuganyahay looga samata bixin lahaa, waxaana tallooyinka isku dhaaafsada guud ahaan bulshadeena Soomaaliyeed.

Hadaba yuu kusugayn barnaamijka Lahadal Soomaaliya oo soo gala 9:30am subaxnimo ee saacadda magaalada Minneapolice oo laga soo jeediyo magaalada Bosaso iyo barnaamijka la sheekayso Soomaaliya oo isaguna ay daadhinayaan wariyeyaal ku sugan magaalada Muqdisho.

Caawa barnaamijka ayaa waxaa marti ku ahaa oo su’aalo lagu waydiiyay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane oo wax laga waydiiyay arimaha ammaanka iyo hormarka magaalada Muqdisho.

Hoos kadhagayso barnaamijka oo dhamaystiran.

Haddii aad joogto USA & Canada ka qaybgal 17745568275#77 SA, Canada
Haddii aad joogtid Europe ka qaybgal 443301240269#77

Puntland-News24.