Ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xirtay qaybo kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa xirtay Wadada KM-4 ilaa Warshadii Nac-Naca,Ciidamadan ayaa gaadiidka u diiday iney adeegsadaan Wadooyinka ay xirteen,Ciidankan ayaa ka cabanaya Mushahar la’aan haysata.

Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin Ciidanka Gadoodsan ee Maanta xanibay isu socodka Gaadiidka qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.