Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka Masaafuriyay askari u dhashay dalka Brundi kaasi oo lagu helay dambi ah in uu jabiyay sharciga u yaala AMISOM.

Caporal-Chief Niyonkuru Leon oo kamid ah Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika AMISOM ee ku sugan magaalada muqdisho ayaa lagu eedeeyay in Magaalada uu ku dhexmaray gaari kuwa raxaadda isagoo aan wadanin wax ilaalo ah.

Askarigaan ayaa 11-kii bishaan laga duuliyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaana laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bujumbura, si ah halkaas Maxkamadd Lagu soo taago.

Gaspard Baratuza afhayeenka Ciidamada Burundi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Bujumbura Caasimada dalkaas ayaa sheegay in Caporal-Chief Niyonkuru Leon uu jabiyay sharciga u yaala AMISOM, islamarkaana uu helis u galiyay Nafsadiisa in ay gacanta ku dhigaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dowladdda Burundi ayaa Ciidamo ka socda dalkeeda Soomaliya usoo dirtay sanadkii 2008-dii, 850-askari ayaa xiligaas soomaliya ay usoo dirtay balse haatan waxaa ka jooga 5,4000-askari oo ka qeyb qaadanaya Howlgalka dalka loogu saarayo Al-shabaab.

Puntland-News24.