Waxaa maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn dibadbax looga soo horjeedo madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo dhowaan bilaabay wada hadal uu la galay maamulka Somaliland.

Dadka dibadda dhigayay ayaa isugu soo baxay hotel Cali Khaliif uu ka daganyahay duleedka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Rasaas ay fureen ilaalada gaarka ah ee Cali Khaliif ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo shacab ah.

Shacabka ayaa kasoo horjeeda wadahadalada Somaliland iyo Cali Khaliif Galayr, Cali Khaliif ayaa dhowaan gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu kusoo dhoweeyey Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Somaliland.

Puntland-News24.