Wasiirka cadaaladda iyo arimaha diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo ka hadlayay barnaamijka Lahadal Soomaaliya ee ka baxa Golaha 77 ayaa sheegay inay hirgalinayaan qalab cusub oo DNA-da ah oo lagu ogaanayo kufsiga.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo badanayaan oo ay dadku hormar ka samaynayaan inay usoo dacwoodaan garsoorka marka kufsi uu dhaco , waxaana uu sheegay hadda inay hirgalinayaan qalabka kusiga lagu baaro oo ay wasaaraddu ay heshay.

Puntland ayaa sanadkii aynu kasoo gudubnay waxaa ka dhacay kusfigii ugu badnaa , inkastoo dadku aad u sugayaan sidii loo samayn lahaa cadaalad lagula dagaalamo si meesha looga saaro.

Puntland-news24.