Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka masar waxa maanta xaalad caafimaad loogu qaadayaa wariye C/xamiid Karazaay oo shalay ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu oo shalay ka dhacay agagaarka Masaajidka Marwaaz ee Degmada Xamar weyne.

Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya waxaa shalay kulan ku qaatay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo, Milkiilaha Tv-ga Universal Eng Abuubakar iyo agaasimaha Bariga iyo bartamaha qaarada Afrika C/laahi Xirsi kulmiye, waxaana loogu hadlay sidii wariyaha dhaawiciisa dhanka dibada loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa sheegay in dowladiisa ay gargaar dhanka dibada ay u fidin doonto dadka ku waxyeelooba qaraxyada iyo weerarada ay geysteen dagaalada Xarakada Al-shabaab.

Farsamayaqaan C/xamiid Karazaay oo kamid ah shaqaalaha Tv-ga Universal xaruntiisa Magaalada Muqdisho ayaa lagu lagu qarxiyay gaari kuwa Raaxadda ah uu watay oo marayay xili subax ah agagaarka Masaajidka Marwaaz ee Degmada Xamar weyne.

Puntland-News24.