Jaaliyada Puntland ee Denmark ayaa waxa ay dalka Dibadiisa kawadaan olole loogu gurmanayo Dadka ay Samaysay Abaarta ka jirta Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Jaaliyada Denmark Siciid Daahir Dhimbil oo lahadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in gurmad bilow ah aysameeyeen ayna ku hawlan yihiin sidii ay usii wadilahaayeen gurmadkaasi.

Gudoomiyaha ayaa Jaaliyada Puntland ugu Baaqay inay isku taagaan sidii gurmad iyo taakilo loogufidin lahaa Dadka Abaarata ay saamaysay ee kunool Gobolada Puntland.

Siciid ayaa Sheegay in Wajiga labaad ee Gurmadka jaaliyadaha uu bolaaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan ayna ku howlanyihiin dalaakooda ku aadan arintaasi.

Maamulka Puntland iyo Gudiga culimada ayaa gurmadka Abaaraha ayuu ugu baaqay in ay gaarsiiyay Gurmadka ay jaaliyada Soodhiibaan.

Hadaba Hoos ka Dhagayso. Waraysiga Gudoomiyaha .