Kooxda soo Afduubtay Markabka lagu haysto Xeebaha gobalka Barri, gaar ahaana deegaanka Caluulla ayaa hadlay markii ugu horeysay waxayna ka hadleen arrimaha Markabkan.

Mid kamid ah kooxdan oo diiday magaciisa in uu sheego ayaa sheegay in Markabkan uusan wadan wax calaamad dal ah, sidaas oo kalena aysan aqoon halka laga leeyahay, Shaqaalaha Saaran ayuu sheegay in ay yihiin 10 qof oo ay labo kamid ah u dhasheen dalka Ingiriiska.

Ninkan ayaa sheegay in aysan aheyn Burcad-Badeed balse ay yihiin kuwa mudo dheer ka cabanayey Jariifka Sharci-Daradda ah, laakiin aan waxba laga qaban.

Afhayeenkan oo la weydiiyey dalabkoodu ayaa sheegay in aysan burcad Badeed aheyn, sidaas awgeedna aysan dalab jeedsineyn balse ay doonayaan in ay caalamka tusaan in aysan Soomaaliya aheyn meel wixii la doono laga sameeyo.