Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay iney dhawaan xoreyn doonaan deegaanada Hirshabeelle ee ay maamulaan Al-shabaab.

Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay iney dhawaan qaadi doonaan hawlgallo ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Wuxuuna ballan qaaday Madaxweyne Cosoble iney sidoo kale si buuxda gacanta ugu qabanayaan Amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle.