Xukuumadda Soomaaliland ayaa soo saartay Amar Hotelada ku yaalla deegaanada Soomaaliland looga Mamnuucayo in lagu qabto Shirar looga soo horjeedo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Amarkan ayaa waxaa soo saaray Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye,Waxaana lagu amray dhammaan Hotelada Soomaaliland kuyaalla inaan lagu qaban karin kulamo looga soo horjeedo Xukuumadda Soomaaliland.

Xildhibaano ka tirsan XIsbiga Wadani iyo Gudoomiyaha Xuquuqul Iinsaanka Soomaaliland ayaa cambaareeyey go’aankan waxayna sheegeen iney Maxkamad la tiigsanayaan Wasiirka amarkan soo saaray.