Dadka Abaarta iyo macaluusha isu dilay , waxaa ka mid ah nin booyad biyo ah dad udoonay oo soo buuxiyey kadibna meeshii uu u waday oo fog awgeed waxaa uu u socday saddex cisho.

Intii uu jidka kusii jiray ayaa booyadii qasabad jabtay oo biyihii daadisay isna ma ogeyn gaarigii waa iska waday , markii uu tegay meeshii uu biyaha ugu talagalay buu soo degay mise Booyadaba biyo kuma jiraan.

Ninkaasi waxaa uu arkay qasabada biyaha ka baxeen, wuxu dib u xasuustay meeshuu ka keenay biyaha iyo inta loo soconayo hadana, markaasi ayuu Bistoolad iskaga dhuftay cunaha, waxaa lagu gaaray dhaawac laakiin markii danbe wuu geeriyooday.

Sheekooyinka la xiriira dadka macaluusha iyo haraadka isu dilaya waa kusoo bateen dalka , waxayna tirada dadka is dilaya sii kordhaysa marba marka ka danbeeya oo abaartu sii xoogeysato.

Alla Abaarta ha’inaga dul qaado. AaMiiN.