Afhayeenka ciidamada isbahaysiga ee Sucuudigu hogmaaminayo Gen Axmed Alcasiiri oo maanta warbaahinta u warramayay ayaa sheegay in ciidamada isbahaysigu aysan wax weerar ah ka fulin nawaaxiga magaalada Xudayda balse ma uusan tilmaamin halka ay ka timi duqaynta lala beegsaday dooni siday 150 qof oo qaxooti Somali u badan ,weerarkaas oo tirada ku dhintay haatan gaadhay 42 qof.

Waxa uu genaraalku intaa ku daray in goobta weerarku ka dhacay ay maleeshiyada Xuutiyiintu gacan ku hayso .

Dhanka kale ururka laanqayrta cas ee dawliga ah ayaa si toos ah uga gaabsaday inuu tilmaamo cidda ka damaysay weerarkan waxashnimada ah ,waxana uu ku baaqay baaritaan deg deg ah oo la sameeyo.

Dhanka kale waxaa arrintani ay tijaabo iyo qiimayn ku tahay dawladda cusub ee Somaliya ee hogaaminayo madaxweyne Farmajo bal sida ay uga gil gilato isla markana ay iyadu si toos ah u la xisaabtanto jihada ka damaysay weerarkan lagu xasuuqay Somalida qaxootiga ah ee aan waxba galabsan.