Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa goor dhow soo gaaray  magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Wafdiga ayaa iminka ku sugan xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay kulan kula qaadanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Ujeedka socdaalka Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Gudoomiyaha Muuse Faki uu la xiriiraa abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.