Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa Socdaal qarsoodi ah ku yimid Degmada Dhoobleey ee dalka Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa shalay oo Sabti ahayd Safar qarsoodi ah ku tagay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose,Madaxweynaha Kenya ayaa Xerada Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley wuxuu kulamo kula qaatay Saraakiisha Ciidanka difaaca Kenya ee KDF.

Kenyatta oo hadal u jeediyey Ciidanka Kenya ayaa ku ammaanay sida ay naftooda ugu hurayaan badbaadinta nolosha muwaadiniinta Kenyanka ah”Waxaad halkan Soomaaliya u joogtaan badbaadinta nolosha dad badan,joogistiina Soomaaliya waxa ay cabsida Al-shabaab ka xoreysay Kenyan badan”ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidan qayb ka ah hawlgalka AMISOM,Al-shabaab ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka geystay gudaha Kenya,Socdaalka Madaxweyne Kenyatta ee Soomaaliya ayaa waxaa loo arkaa mid uu ku dhiirigalinayo Ciidankiisa jooga Soomaaliya.

Puntland-News24.