Galmudug ayaa si adag u diiday dalab uga yimid Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweyne-nimada maamulkaas oo horey loo qorsheeyey in ay u dhacdo 28-ka bisha March ee aan ku jirno.

Afhayeen u hadlay guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn talaabada uga timid Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay qabsan doonaan doorashada.

Afhayeenkan ayaa sheegay in ay Galmudug ka mid tahay dawlad gobaleedyada dalka oo aan marnaba lagu sameyn Karin faragalin siyaasadeed.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa xalay dalbaday in 45 cisho dib loo dhigo doorashada Galmudug, si loo helo Galmudug mideysan sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xaafiiskiisa magaalada Muqdisho.