Maxaana la gudboon dawladda Somalida?

Warbaxin ay soo saareen ciidamadda qalabka sida ee Imaaratka ayaa lagu sheegay in ciidamadda Imaaraatku aysan wax lug ah ku lahayn ,waxana bayaankan lagu sheegay in baaritaankii u horreeyay uu tilmaamay in ciidamadda Imaaraatku ay arkeen in doonidan ay siday dad rayid ah aysana ku jirin wax ciidamo ah dabadeedma sysan wax tallaabo ah ka qaadin.

Waxaa warmurtiyeedkan lagu sheegay in baaritaanka ciidamadda Imaaraatku tilmaamayo in maleeshiyadda Xuutiyiintu ay dhici karto in ay weerarka geysteen.

Waxana ciidamadda Imaaratku ay sheegeen in ay diyaar u yihiin baaritaan dawli ah oo lagu sameeyo.

Dhanka kale Dawladda Sucuudiga ayaa iyaduna iska fogaysay weerarkan

Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa la gudbuun in ay ku baaqdo in baaritaan dawli ah lagu sameeyo halka ay ugu baaqday dalalkii lagu tuhmayay in ay ku lug lahaayeen xasuuqan in ay baaritaan sameeyaan taas oo aan wax macne leh looga fadhiyin.