Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng, CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa ka dalbaday Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay dadajiyaan magacaabida Liiska golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha & Raysalwasaaruhu in ay dadajiyaan dhismaha golahan oo aan waqti laga lumin Qaranka Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in kalsoonidii loo qabay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa koowaad ay hoos u dhacayso hadii ay intaas ka badan la maqnaadeen liiska golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.