Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Booliska maamulka Galmudug ay maanta ku wareejiyeen maamulka Puntland labo nin iyo Gawaari ay kasoo dhaceen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo maamulka Puntland.

Labadaan nin ayaa Gawaarida kasoo dhici jiray degaanada Puntland ,waxaana ay ka iibsan jireen dad ku sugan degaanada Galmudug.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka mudug ee Puntland Cismaan Xasan Cuuke ayaa uga mahadceliyay dowlad goboleedka Galmudug tilaabada ay qaadeen.

Waxaana uu sheegay in ay in ay daliil cad u tahay wada shaqeynta ka dhexeysa labada maamul.

Taliyaha CID Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay in ay si wanaagsan ula shaqeyso maamulka Puntland.