Wararka naga soogaarayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ayaa Sheegaya in Ciidamo Gadoodsan ayaa Goor dhawayd lawareegeen Taliska qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Bangiga Dhaxe ee Magaalada Magaalkacyo.

Ciidamada maanta lawareegay Xaruman Dowlada ayaa Waxaa lasheegay in ay kamaqanyihiin Mushaharaadkii ay Dowlada kulahaayeen Mudo Dhowr bilood ah.
Majirto ilaa iyo hada cid kahadashay oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan dagmada .

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo gadoodsan ay lawareegeen kontaroolka Waqooyi galbeed ee Magaalada Garoowe kuwaas oo ka Gadood sanaa Mushaharaad ay sheegeen in uu ka maqnaa Ciidanka mudo Dowrbilood ah.

Xasan Heykal PuntlandNews24.co Bosaaso.