Sawirkani waa ninkii dadka laayey

Waa ninkii dadka laayey caawa

Sawirkani waa ninkii dadka laayeyAfar qofood ayaa ku dhimatay 20 kalena waa ku dhaawacmeen  12 ka mid ah waa dhaawac culys  waxaa dhaawaca ku jira saddex arday oo Faransiis ah .

Weerar lagu tilmaamay fal argagixiso oo ka dhacay Magaalada London, afarta dhimatay waxaa ku jira sarkaal katirsan Booliiska wadanka Britain.

Ninka weerarka qaaday oo dadka intiisa badan ku laayey gaari uu watay waana buundada ugu muhiimsan london.

Weerarkaasi oo uu Madaxwaynaha Maraykanku ku tilmaamay ” Big News” War wayn ayaa la sheegay in Ra’iisal wasaaraha Britain ay ku sugnayd aqalka Baarlamaanka iyadoo si nabad ah loogu celiyay Number 10 oo ah hoyga Ra’iisal wasaaraha Britain.

Muuqaalka waxaa ka muuqda nin ay booliisku toogteen iyo gabar ku dhacday wabiga taasi oo iyadoo dhaawac la soo bixiyay.

Xubnaha Baarlamaanka o shirku u socday ayaa kala carary markii rasaastu bilaabatay, balse waxaa loo diiday in ay banaanka uga baxaan xarunta baarlamaanka.

Meelaha  wareega guduudan lageliyey waa midiyihii uu dadka ku laayey.

Wali waxaa la baadi goobayaan qaabka ay wax u dhaceen.