Guddiga gurmadka Abaaraha Puntland ee Culumadda ayaa magaaladda ku soo bandhigay liiska lacagaha deeqda ee soo gaartay guddiga iyo magacyada shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku deeqay laga soo bilaabo 17kii bishan Maarso 2017ka.

Sheekh fu’aad oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Bosaso, wuxuu sheegay in guddiga gurmadka abaaraha ee  kiiniya oo masuul ka yahay sheekh Maxamed Umal ay guddiga u soo direen labaatan kun oo Dollar, iyogoo hore  u soo diray afartan kun oo dollar, waxaa kaloo deeqo lacageed laga soo diray wadamada finland, ingiriiska, Koonfurta Afrika, Zambia, Germany, Maraykanka iyo Wadamo kale oo caalamka ah.