Hal askari ayaa ku geeriyooday , mid kalena waa uu ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay deegaan u dhow degmada Qandala ee gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamada xilli ay kasoo baxayeen degmada Qandala.

Masuuliyiinta dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin dhacdadan , iyadoo ay kusoo beegmayso xilli billo kahor magaalada Qandala laga xoreeyey kooxda sheegatay inay katirsan tahay Daacish oo kusoo duushay magaalada Qandala.

Puntland-News24.