Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Maanta u ambabaxo dalka Urdun oo uu berri ka furmayo Shir Madaxeedka Wadamada Jaamacadda Carabta.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo ku hawlan sidii uu codka Kalsoonida ugu raadin lahaa Xukuumadda uu dhawaan Magacaabay R/wasaare Khayre ayaa la tilmaamayaa inuu go’aansaday ka qaybgalka Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Ajandayaasha looga hadlayo Shirka Madaxda Jaaacadda Carabta ayaa waxaa ugu horeeya Abaaraha ka jira Soomaaliya,Qadiyadda Falastiin iyo dagaalada ka socda wadamada Yemen iyo Siiriya.

Puntland-News24.