Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu Berri u furmo kal fadhigii Saddexaad sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Habdhowraha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Bashiir Maxamed ayaa xildhibaanada Jubbaland ugu baaqay in ay kusoo xaadiraan Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Berri uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa Bilihii lasoo dhaafay ku maqnaa Fasaxa .