Shil gaystay khasare dhaawac afar qof iyo xoolo ayaa ka dhacay duleedka magaalada Qardho.

Shilkan ayaa waxaa uu dhacay xilli gaari ay la socdeen qoys reer guuraa ah uu ka baxay wadada , waxaana dadka dhaawacmay ku jiray wadihii gaariga oo dhamaantood la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Gaariga ayaa kusii jeeday deegaanka Ceel-afwayn oo roob uu ka da’ay.

Shilalka ayaa lagu tilmaaa Puntland kuwa ugu waxyeelada badan ee galaafta nolosha dadka iyo duunyada.

Puntland-News24.